Subscribe Us

header ads

Qorshaha Real Madrid Ee Erling Haaland Oo La Shaaciyey Iyo Waqtiga Ay Ka Afduubanayso Man City

 


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka shaqaynaysa sidii ay Erling Haaland kagala wareegi lahayd Manchester City oo uu dhawr bilood oo kaliya joogay, waxaanay bixin doonaan lacagta ku xidhan qandaraaskiisa oo ka dhigan in laba sannadood oo kaliya uu ka adheeli doono Etihad Stadium.

22 jirkan ayaa saddex jeer oo isku xigta saddexlay u dhaliyey Manchester City, iyadoo kulankii Manchester Derby uu saddex jeer shabaqa soo qaabtay, waxaana uu illaa hadda saxeexay 17 gool oo Premier League iyo Champions League ah isaga oo kaliya ciyaaray toban kulan.

Manchester City ayaa bishii June waxay £51 milyan oo Gini kasoo bixisay Haaland oo qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa sannadka 2027, hase yeeshee waxa heshiiska lagu xidhay qodob dhigaya in lacag aan ka badnayn £150 milyan oo Gini lagu burburin karayo qandaraaskiisa marka la gaadho sannadka 2024.

Fernando Sanz oo Real Madrid usoo ciyaaray, sidoo kalena soo noqday madaxweynaha kooxda reer Spain ee Malaga ayaa sheegay, in Real Madrid ay ka go’an tahay in ay Haaland la saxeexdaan, walibana ay rajadoodu aad u fiican tahay.

Wargeyska Mundo Deportivo ayuu la hadlay, waxaanu yidhi: “Macluumaadka aan helayo waxay ii sheegayaan in Haaland marka  uu dhamaysto sannadka labaad la burburin karayo qandaraaskiisa, waxaana uu ahmiyadda koowaad u yahay Real Madrid.

“Madrid waxay bixin doontaa wax walba oo lacag ah oo ku xidhan si ay Haaland uga soo qaadato City.”

Aabaha dhalay Erling Haaland ayaa dhowaan sheegay, in wiilkiisu uu laba sannadood iyo badh kasoo ciyaaray horyaalka Germany, suurtogalna ay tahay in uu intaas in le’eg ka dheelo England kaddibna uu u dhaqaaqo Spain, ITaly iyo France.

Post a Comment

0 Comments