Subscribe Us

header ads

“Anigu Ma Ihi Pogba-ha Cusub, Waxaan Ahay…..” – Aurelien Tchouameni Oo Diiday In Culays Lala Barbardhigo Pogba

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Aurelien Tchouameni ayaa ka hadlay isbarbardhiga lagula sameeyo Paul Pogba oo Juventus qayb ka ah France-na ay kasoo wada jeedaan.


Tchouameni ayaa bilihii ugu horreeyay ee uu ku qaadanayo Santiago Bernabeu wacdarro dhigay kaddib heshiiskii 80-ka Milyan ee euro ahaa ee uu AS Monaco kaga yimid.

Marka laga yimaado lacagta badan ee ay Madrid kasoo bixisay, Aurelien ayaa si fiican u saldhigtay oo ula qabsaday kooxdiisa cusub iyo horyaalka La Liga-ba.

Advertisements

22 sano jirkaas ayaa haatan ka hadlay sida ay uga go’nayd inuu Madrid kusoo biiro walow uu dalab xilli dambe ah ka helay Paris Saint-Germain, sidoo kale waxa uu ka faalooday isbarbardhiga Pogba.

Tchouameni ayaa sheegay inuusan isagu ahayn Pogba cusub ee uu yahay Tchouameni isaga oo intaas raaciyay inuu Pogba yahay ciyaartoy uu ku daydo.

“Anigu ma ihi Pogba-ha cusub, anigu waxaan ahay Aurelien Tchouameni, waxaan isku dayaa inaan qisadayda gaarka ah qoro” ayuu ku yidhi waraysi uu siiyay Telefoot.

“Pogba waa ciyaartoy aan in badan eegtay markii aan yaraa, isku boos ayaanu ka ciyaarnaa balse waxa jira kaliya hal Pogba. Anigu waxaan isku dayaa inaan wax ku kordhiyo (Xulka France) balse haddii Pogba iyo Kante soo noqdaan tababaraha ayaa dooran doona, sida ugu fiican ayaan samayn doonaa si aan ugu soo bilawdo”.

“Maalin kasta ayaan koobka aduunka ka fikiraa, waxaan isku dayi doonaa inaan bandhigyo fiican u sameeyo Real Madrid kaddibna liiska ayaan sugi doonaa

Post a Comment

0 Comments