Xulka qaranka England ayaa barbarro kaga tuugay Jarmalka kulan ka dhacay Wembley Stadium oo ay mar heleen fursad ay ku xaqiijisanayaan guushoodii koowaad ee tartanka ay ka hadheen ee UEFA Nations League, hase yeeshee Kai Havertz ayaa xilli dambe ku dilay qalad uu sameeyey goolhaye Nick Pope.
Jarmalka ayaa u safray Wembley Stadium iyadoo colaad weyn oo ciyaareed kala dhaxaysa Ingiriiska, waxaanay bilowga qaybta labaad la hormareen laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo ay u kala dhaliyeen Ilkay Gundogan iyo Kai Havertz, hase yeeshee xulka England ayaa isasoo canaantay oo 11 daqiiqadood gudahood
ku keenay saddex gool ka hor intii aanu Havertz ciyaarta ka dhigin 3-3.
Xulka Germany oo ciyaar qaan-gaadh ah dheelayay ayaa khadka dhexe ka halgamayay, halka Ingiriiskuna ay kubbad ku baaba’aysay afka hore ay kusoo bandhigeen jamaahiirtooda horteeda.
Advertisements
Eng
Ilkay Gundogan ayaa rikoodhe ku furay ciyaarta daqiiqadii 52aad, kaddib fursado badan oo ay labada xul iska khasaariyeen qaybtii hore iyadoo kale daqiiqadihii furitaanka qaybta labaadba.
Southgate ayaa sameeyey beddello salbabakh ah si uu uga badbaado guul-darro uu ku mutaysan lahaa canaan badan, waxaase kubbad uu bannaanka ka toogtay Kai Havertz uu ciyaarta kaga dhigay 2-0 daqiiqaddii 67aad.
Jarmalka ayaa markii ay goolka labaad dhaliyeen niyadda gashaday in ay guuleysteen, waxaana dabcay khadkooda dhexe iyo difaacooda intaba, taasina waxay fursad siisay xulka England oo ka cararey ceeb maadaama ay shantii ciyaarood ee hore ee UEFA Nations League ay kaliya laba dhibcood ka haysteen, guul la’aanna ka ahaayeen tartankan oo Jimcihii ay ka hadheen.
Luke Shaw ayaa gool niyadda usoo celiyey Ingiriiska u dhaliyey daqiiqaddii 72aad, waxaana laba daqiiqadood oo kaliya kaddib mid labaad raaciyey Mason Mount oo beddel kusoo galay, halkaas ayaanay ku xaqiijisteen in ugu yaraan ay England ka badbaadday guul-darro.
Kane .
Rikoodhe ayaa loo dhigay England dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay, waxaana gool u beddelay Harry Kane oo ay u ahayd goolkiisii koowaad ee uu tartankan ka dhaliyo, isaga oo ciyaartana ka dhigay 3-2.
Dabbaal-deg weyn ayay ciyaartoyda Ingiriisku ka sameeyeen gudaha Wembley markii ay goolka saddexaad la yimaaddeen, waxaana ku daray jamaahiirta boqolka kun ku dhowaa ee garoonka joogay, hase yeeshee farxaddaasi masii waarin.
Kubbad uu Serge Gnabry kasoo toogtay bannaanka oo uu qabtay goolhaye Pope ayaa kasoo boodday, waxaana ka hor qaaday oo shabaqa gaadhsiiyey Kai Havertz daqiiqaddii 87aad, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 3-3.
Havertz
Dhinaca kale, xulka qaranka Talyaaniga ayaa 2-0 kusoo garaacay Hungry oo ay ugu tageen garoonka quruxda badan ee Puskas Arena ee ka dhisan Budapest, waxaana shabaqa soo taabtay gool-dhaliyahooda cusub ee ay heleen Raspadori ee kulankii hore ee Jarmalkana shabaqa soo taabtay halka midka kalena uu ku daray Federico Dimarco.
Natiijooyinka kulamadii UEFA Nations League ee caawa
Advertisements
GROUP C4
Gibraltar 1-2 Georgia
North Macedonia 0-1 Bulgaria
GROUP D2
San Marino 0-4 Estonia
GROUP A3
England 3-3 Germany
Hungary 0-2 Italy
GROUP B3
Montenegro 0-2 Finland
Romania 4-1 Bosnia-Herzegovina

0 Comments