Xiddiga Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa magacaabay difaac dhexe oo isaga aad uga wanaagsan markii uu jiray da’diisa oo kale, isla markaana ay Manchester United si dhib yar iskaga dayacday fursad ay kula soo wareegi lahayd oo uu waqtigan kaga ciyaari lahaa Old Trafford.
Van Dijk
oo lagu tilmaamo mid ka mid ah difaacyahannadii ugu wanaagsanaa ee kubadda
cagta soo maray qarnigan 21aad ayaa waxa uu waqtigan xulka qarankiisa
Netherlands kala qayb-qaadanayaa kulamada caalamiga ah ee UEFA Nations League,
waxaana garabkiisa ka ciyaaraya laacibka uu amaanta ka haysan waayey ee Jurrien
Timber.
21 jirkan
u ciyaara Ajax ayuu tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag isku
dayay in uu keeno Old Trafford xagaagii tegay, hase yeeshee waxa ku dhegtay
Ajax, iyadoo Red Devils na aanay samaynin dedaalkii looga baahnaa ee ay
daafacan dhexe kula soo wareegi lahaayeen.
Timer oo
boos joogto ah ka helay xulka qaranka Netherlands ee uu maamulayo tababare
Louis van Gaal ee Koobka Adduunka isku diyaarinaya, ayaa waxa uu Van Dijk ku
tilmaamay mid ka mid ah difaacyahannada waqtigan soo kacaya ee ugu wanaagsan,
waxaanu xataa ku dooday in markii uu isagu da’daas oo kale jiray aanu sidiisa
oo kale u wanaagsanayn.
“Anigu
uma aanan dhoweyn heerkiisa oo kale markii aan da’diisa jiray.” Ayuu yidhi Van
Dijk oo intaa sii raaciyey: “Ma garanayo wax kale oo aan ahayn in aan amaano.
Waa ciayartoy aad u wanaagsan oo ah xirfadle dhab ah.”
Van Gaal
oo haysta difaacyahanno kale oo wanaagsan sida Matthijs de Ligt, Stefan de Vrij
iyo Nathan Ake, ayaa waxa uu kala dooran doonaa midka uu ka garab ciyaarsiinayo
Virgil van Dijk, iyadoo Timber si aad ah ay u tartamayaan De Ligt oo ah
icyaartoyga ku xiga Van Dijk ee booskiisa aanu muranku ku jirin.
Xulka
qaranka Netherlands ayaa waxay caawa la ciyaari doonaan Belgium kulankooda ugu
dambeeya ee UEFA Nations League ee ka hor Koobka Adduunka.
Koobka Adduunka ayay ku jiraan Group A oo ay ku wehelinayaan
Qatar, Ecuador iyo Senegal

0 Comments