Subscribe Us

header ads

Real Madrid Oo Doonaysa Labada Mishiin Ee Dhaqaajiya Manchester City

 



Real Madrid Oo Doonaysa Labada Mishiin Ee Dhaqaajiya Manchester City & Culayska Ay Saarayaan Pep Guardiola

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa qaadaysa tallaabo weyn oo aan la hubin midho-dhalkeeda, waxaanay doonayaan in ay la saxeexdaan laba ciyaartoy oo halbowleyaal u ah Manchester City, isla markaana heshiisyo waqti dheer ah kula jira kooxda tababare Pep Guardiola.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa dejiyey laba qorshe oo la filayo in hirgelintoodu kala dambayso oo uu kusoo donayo inuu Santiago Bernabeu ku keeno laba ciyaartoy oo Manchester City oo ay adkaanayso in si fudud ay ku helaan.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa Spain, Real Madrid ayaa xagaaga foodda inagu soo haya ama dhamaadka xilli ciyaareedkan waxay dhexda u xidhan doontaa sidii ay ula saxeexan lahayd difaaca reer Portugal ee boosaska badan ka ciyaara ee Joao Cancelo oo dhowaan heshiis soconaya illaasannadka 2027 u saxeexay kooxdiisa.

Waqtigii uu Cancelo joogay Valencia ayaa la sheegay in Real Madrid ay doonaysay in ay la saxeexato laakiin aanay u suurtogelin, waxaana hadda laacibkan dalbaday in loo keeno tababare Carlo Ancelotti oo doonaya in uu helo ciyaartoy dhawr boos ka dheela.

Cancelo oo difaaca midig ka ciyaari jiray ayaa waxa uu muddooyinkii dambe Manchester City uga dheelayay difaaca bidix oo uu si la mid ah booskiisa dabiiciga ah uga ciyaari karayo. Waxa kale oo uu ka dheeli karaa khadka dhexe iyo garabka weerarka.

Waxa kale oo ay Real Madrid doonaaysaa in ay la saxeexato weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland sannad kaddib marka ay lasoo wareegaan Joao Cancelo oo noqonaysa xagaaga 2024.

Heshiiska Haaland ee Manchester City ayaa marka la gaadho sannadka 2024, waxa lagu burburin karayaa lacag gaadhaysa €180 milyan oo Euro, waxaanay Los Blancos diyaar u tahay in ay bixiso lacagtaas, si ay mishiinkan goolasha ula saxeexdaan.

Si kastaba ha ahaatee, fursadda Real Madrid ee Cancelo ayaa ku xidhan in Manchester City ogolaato inay iibiso 29 jirkeedan, halka Haaland ay u baahan yihiin in ay bixiyaan lacagta  ku xidhan ee qandaraaskiisa lagu burburin karayo.

Post a Comment

0 Comments