Subscribe Us

header ads

Nasser Al-Khelaifi: Wixii Ay Barcelona Sameysay Cadaalad Ma Ahan, Waa In UEFA Ay Baarto

Madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi  ayaa ku canaantay Barcelona hantidii ay iska iibiyeen xagaagii, wuxuuna u soo jeediyay ururka kubada cagta Yurub ee UEFA inay baaris ku sameyso.

Blaugrana waxay iibisay saamiyo ka mid ah xuquuqdeeda telefishinka gudaha iyo Barca Studios, iyadoo ku heshay in ka badan 700 milyan oo Yuuro, si ay ugu hoggaansamaan shuruucda LaLiga oo ay u diiwaan geliyaan saxiixyadooda cusub.

Wareysi uu madaxweynaha PSG siiyay Politico ayuu su’aal ka keenay haddii iibkii ay sameysay Barca uu sharci ahaa iyo haddii kale.



“Tani ma cadaalad baa? Maya, cadaalad ma ahan… ma sharci baa? Ma hubo” ayuu yiri Al-Khelaifi.

“Haddii Barca loo ogolaado inay sidaan sameyso, kooxo kale ayaa sidaas oo kale samayn doona. UEFA dabcan waxay leedahay sharciyo u gaar ah, waa hubaal inay baaris ku sameyn doonaan.”

Isagoo ka hadlayay horyaalkii dhicisoobay ee European Super League, madaxweynaha PSG waxaa ka dhaadhacsan in hindisaha ay bilaabeen Barcelona, Real Madrid iyo Juventus aanu guulaysan doonin.

“Runtii waan hubaa in qofna uusan ogolaan doonin in Super League la sameeyo, waxaan u baahanahay inaan ka fikirno qof walba, ma ahan nafteena kaliya, waa inaan ixtiraamnaa taageerayaasheenna,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Post a Comment

0 Comments