Subscribe Us

header ads

Marnaba Ma Doonayn Manchester United” – Frenkie de Jong Oo Bannaanka Keenay Xaqiiqooyinkii Laga Sugayay

 Xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararkii ruxay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay ee sida weyn loola xidhiidhiyey Manchester United oo uu uga gacan-haadinayay tababare Erik Ten Hag oo ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad.

25 jirka reer Netherlands ayaa sheegay in aanu marnaba doonayn in uu tago Manchester United inkasta oo si aad ah loola xidhiidhiyey, waxaanu soo qaaday Barcelona oo uu u dhexeeyey khilaaf salka ku hayay mushaharkiisa.

De Jong ayaa lagu eedeeyey in uu diiday in uu mushahar dhimis weyn sameeyo sida ciyaartoyda kale, sidoo kalena uu iska diiday in uu £72 milyan oo Gini ugu wareego Manchester United oo ay Barcelona heshiis la gaadhay, maadaama ay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah ka  cabanaysay.

Advertisements

Frenkie de Jong ayaa sheegay, in uu go’aankiisa ah inuu sii joogo Barcelona uu gaadhay waqti hore, haddana ay xallismeen mushkiladihii u dhexeeyey isaga iyo kooxdiisa ee salka ku hayay mushaharka.

Isaga oo la hadlayay saxaafadda ka hor kulamada UEFA Nations League, waxa uu De Jong yidhi: “Anigu mar walba waxa aan doonayay in aan joogo Barcelona, waana sababta aan mar walba ugu jiray xaalad deggen xagaagii.”



Waxa uu soo qaaday xidhiidhka uu la leeyahay maamulka Barcelona oo la sheegay inuu hoos u dhacay, waxaanu yidhi: “Faahfaahin badan ma bixin karo, laakiin sida ay u muuqato, kooxdu si’ ayay wax u aragtaa, anigagana fikradahaygu waa gaar, mararka qaarkood waa la iska hor imanayaa. Laakiin ugu dambayntii wax walba caadi ayay noqdeen.”

Post a Comment

0 Comments