Waxa jira hal boos oo uu tababare Xavi Hernandez kooxdiisa Barcelona si gaar ah ugu werwerayo kahor kulamada aadka u mashquulka badan ee ay bisha October ka ciyaari doonaan.
Booska madax-xanuunka ku haya Hernandez ayaa ah midka daafaca midig ee kooxdiisa kaddib dhaawacyada xiddigaha uu booskaas u haystay ee Jules Kounde, Ronald Araujo iyo Hector Bellerin.
Barca ayaa dhawaan xaqiijisay inuu dhaawac bil ah ku maqnaan doono Bellerin oo dhaawac kubka ah, Bellerin ayaa Barcelona ugu soo biiray bedelka Sergino Dest oo AC Milan amaah ugu biiray.
Bellerin ayaa ah daafac midig ee kaliya ee asalka ah ee kooxda jooga haddana waxa uu booskaas uga dambeeyaa Araujo iyo Kounde oo asal ahaan iyagu daafacyo dhexe ah.
Iyadoo haatan dhammaan saddexdooduba dhaawacyo ku maqan yihiin ayuu joogaa Sergi Roberto oo dookha afraad ah isla markaana qudhiisu wali la dhiban jugta dhaawac halis ah oo xilli ciyaareedkii hore haleelay.
Xavi ayaa ku qasbanaan doona inuu qorshe cusub u keeno booska daafaca midig ee Barcelona amaba uu Roberto aamino kulamo uu ugu weyn yahay midka El-Clasico oo ay halkaas kaga hortagayaan Vinicius Jr oo haatan xiddigaha booskiisa ugu fiican dunida kamid ah.
Araujo ayaa isagu maqnaan doona ilaa dhammaadka sanadka halka Kounde iyo Bellerin la filanayo inay bil maqnaan doonaan, natiijo ahaan waxay seegi doonaan kulamo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin Clasico iyo ciyaaraha Champions League ee Inter Milan iyo Bayern Munich.

0 Comments