Subscribe Us

header ads

“Kubaddii Cagtu Waali Bay Noqotay!!” – Xiddig Chelsea Doonaysay Oo Si Cad U Sheegay Inuusan U Qalmin Lacagtii Ay Ku Rabeen

Kubadda cagta gaar ahaan suuqa kala iibsigu waa mid waali ah sanadihii ugu dambeeyay, dabcan taasi maaha wax qarsoon marka aad eegto lacagaha laga bixinayo xiddigaha qaar aan wax badan muujin.

Waxa dareenkaas oo kale haatan qaba da’yarka garabka weerar ee kooxda Everton ee Anthony Gordon oo si xoogan loola xidhiidhinayay Chelsea suuqii xagaaga dhawr dalabna kooxda ree London ka gudbisay.

Gordon oo heshiiskiisa Everton ee haatan saddex sano ka hadheen wadahadalo heshiis kordhin kalena kooxdiisa kula jira ayaa Toffees muhiim u noqday qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore isaga oo 4 gool iyo saddex caawimo soo sameeyay 40 kulan tartamada oo dhan.



Chelsea ayaa suuqii dhawaan xidhmay dalabaad dhawr ah ka gudbisay Gordon, wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in dalabkoodii ugu dambeeyay ahaa 50 Milyan oo pound oo lagu daray 10 Milyan oo gunnooyin shuruudo ku xidhan ah.

Haatan Gordon ayaa sheegay inuu la yaabay qiimaha ay Blues ku doonayeen isagoo sheegay inuusan jirin ciyaaryahan u qalma lacag saa’id u badan.

“Taasi waa kubadda cagta beryahan dambe. gabi ahaanba waa waali, uma malaynayo inuu ciyaaryahan u qalmo lacag sidaas u badan balse naftayda si hoose ugama hadli doono. Lacagta kubadda cagta ku jirta, taasi waa siday tahay beryahan, dhawaanahan sidoo kale lacagta waxaad u bixinaysaa mustaqbalka wuxuu noqon karo ciyaartoygaasi” ayuu yidhi Gordon.

“Anigu midaas aad diirada uma saarayn sababtoo ah kaliya waxaan xakamayn karaa waxaan xakamayn karo, waxaan filayaa daqiiqada aad sidaas samayso (Ka fikirto inaad tahay ciyaartoy lacagtaas u qalma) kaliya hal meel ayaad tagaysaa. Waxaad u baahantahay in aanad isla weynaan, waxaad u baahantahay inaad maanta iyo berri diirada saarto oo aanad mustaqbalka si aad u fog u eegin”.

Post a Comment

0 Comments