Iska Illow Ronaldo, Bruno Iyo Eriksen: Roberto Carlos Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Man United Ee Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro
Halyeyga Brazil ee Roberto Carlos ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo ka tirsan Manchester United oo uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro, laakiin waa kuwo aanad filaynin oo uu isagu ka eegay astaamo uu ku doortay, sida awoodda ay u leeyihiin in ay meelo badan oo garoonka ah ka ciyaari karaan.
Roberto Carlos oo ka mid ah difaacyahannada bidix ee ugu wanaagsanaa ee soo maray kubadda cagta ayaa waqtigiisa ugu badan u ciyaaray Real Madrid oo uu uga soo wareegay Inter Milan sannadkii 1997kii, waxaana uu ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka Brazil u qaaday Koobkii Adduunka 2002.
Waraysi uu siiyey warbaahinta Football Daily, ayaa waxa lagu weydiiyey Roberto Carlos ciyaartoyda uu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro xilli Manchester United isku diyaarinayso kulanka adag ee Axadda ee Manchester City, waxaana uu markiiba lasoo booday labada laacib ee khadka dhexe ee ay isku waddanka yihiin ee Casemiro iyo Fred.
duulay waddanka Giriiga ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka garab ciyaaro Casemiro iyo Fred. IYagu waa laba ciyaartoy oo ku wanaagsan in ay daboolaan meelo badan oo garoonka, aniguna waxa aan inta badan ahay weerar. Sidaa daraadeed, waxay buuxin lahaayeen booskayga marka aan weerarka galo.”
Gilberto Silva oo isaguna khadka dhexe uga ciyaari jiray Arsenal ayaa la weydiiyey sida uu u arko qiimaynta uu Roberto Carlos ku sameeyey labada ciyaartoy ee Manchester United, waxaanu ku jawaabay: “Aniga way ilaa ordi kari lahaayeen, waanay i caawin lahaayeen haddii aan ka garab ciyaari lahaa.”
.jpg)
0 Comments