Subscribe Us

header ads

“Haatan Ma Jiro Marmarsiiyo!!” – Evra Oo Man City

Halyeeyga kooxda Manchester Unitd ee Patrice Evra ayaa kooxda uu hore xifaaltanku ugala soo dhaxeeyay ee Manchester City u sheegay inuu kasoo dhammaaday marmarsiyihii ku guuleysi la’aanta Champions League.


Evra ayaa ah mid laga waraysan karo oo wax ka garanaya macnaha Champions League maadaama oo uu 2008 kula soo guuleystay Man United isla markaana 2009,2011 iyo 2015 wada gaadhay Final-ka tartankaas.

Man City ayaa dhinaceeda afar dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore Champions League ugaga hadhay sababta Real Madrid oo ugu dambayn ku guuleysatay halka sanadkii ka horreeyay Final-ka ay Chelsea guuldarro kagala kulantay.

City ayaa xagaagii samaysay saxeexyo badan oo uu ugu horreeyo weeraryahanka Norwegian-ka ah ee Erling Haaland oo 60 Milyan oo euro ugaga soo biiray Borussia Dortmund.

Evra ayaa qaba in kaddib saxeexa Haaland oo mashiin dhinaca goolasha ah aysan Pep Guardiola iyo kooxdiisu haysan marmarsiiyo dambe.

“Isagu waa mid weyn, isagu awood ayuu isticmaalayaa, waa dilaa goolka hortiisa ah, wuxuu sameeyaa dhaq-dhaqaaqa saxda ah. Isagu waa mid diyaarsan marka loo eego qof dheer oo xoogan, isagu waa sida bisad oo kale” ayuu yidhi Evra oo Manchester Evening News la hadlayay.

“City horyaalka ayay ku guuleysanaysay weeraryahan la’aan balse Champions League way ku dhibtoodeen, haatan waxaan dareemayaa sida inaysan wax marmarsiyo ah haysan”.

“Markii ay guuldarro la kulmeen Finalkii ay Chelsea wajaheen, Guardiola wuxuu go’aansaday inuu weeraryahan la’aan ciyaaro haatan taasi dib uma dhici doonto”.

Post a Comment

0 Comments