Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa helaya war wanaagsan kahor kulankiisa ugu horreeya ee Premier League uu hoggaaminayo kooxdaas oo ah mid ay martiyayaan Crystal Palace oo ay London wada degan yihiin.
Xiddigaha Chelsea usoo laabtay ayuu hoggaaminayaa mashiinka khadka dhexe ee N’Golo Kante kaas oo mudo lix kulan ah dhaawac muruqa ah kaga maqnaa.
Chelsea ayaa dhibtootay la’aanta Kante iyagoo mudadaas uu dhaawacnaa guuldarrooyin kala soo kulmay Leeds United (3-0), Southampton (2-1) iyo Dinamo Zagreb (1-0).
Booska uu ka maqnaa Kante ayay mudadaas sii buuxinayeen Mateo Kovacic oo aan qudhiisu taam buuxa ahayn, Jorginho, Loftus-Cheek iyo Conor Gallagher.
Xiddig kale oo Potter usoo laabtay ayaa ah goolhayaha dookha koowaad ee Edouard Mendy kaas oo dhaawac jilibka ah ku seegay kulamadii Dinamo Zagreb iyo RB Salzburg oo uu Kepa Arrizabalaga booskiisa sii buuxiyay.
Xiddig saddexaad oo uu helayo Potter ayaa ah garabka weerar ee Christian Pulisic kaas oo kasoo muuqday kulankii xalay xulkiisu la yeeshay Saudi Arabia.

0 Comments