Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher haatana falanqeeyaha ka ah kanaalka Sky Sports ee Jamie Carragher ayaa doortay laba ciyaartoy oo uu u arko kuwo Arsenal gabi ahaanba koox kale ka dhigan xilli ciyaareedkan.
Kooxda macalin Mikel Arteta ayaa wacdarro soo dhigaysay tan iyo bilawgii xilli ciyaareedka iyagoo kaliya hal guuldarro lasoo kulmay lix kalena guulo soo gaadhay kaddib toddoba kulan.
Taas ayaa ka dhigan in Gunners ay 18 dhibcood leeyihiin iyagoo min hal dhibic ka sarreeya kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City iyo kooxda ay jaarka yihiin ee Tottenham oo ay Sabtida ballansan yihiin.
Carragher ayaa qaba in Arsenal u muuqato kooxda horyaalka u tartami karaysa isla markaana labada xiddig ee kooxda saamayntaas oo dhan ku yeeshay ay yihiin weeraryahan Gabriel Jesus iyo daafaca dhexe ee amaahda kasoo laabtay ee William Saliba.
“Haddii aad dhab ahaan Arsenal daawatay xilli ciyaareedkan, iyagu waa sida inaanad hore u arag. Waxaan u jeedaa waxay u eeg yihiin kuwo horyaalka u tartamaya. Anigu markasta taageere weyn baan u ahaa Mikel Arteta, waan jecelahay sida uu geesiga u ahaa gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore” ayuu yidhi Jamie oo talkSPORT la hadlayay.
“Haatan waa kuwo 12 bilood ka weyn xilli ciyaareedkii hore balse saxeexa Jesus iyo Saliba oo xaga dambe yimid waxay u muuqataa arrin inay gabi ahaanba bedeshay aragtidii Arsenal. Waxaan filayaa inay aad uga dhaw yihiin (Ku guuleysiga horyaalka) marka loo eego siday dadku uga hadlaan”.
Jesus ayaa wacdarro usoo dhigayay Arsenal tan iyo markii uu kusoo biiray xagaagan isaga oo afar gool iyo saddex caawimo kusoo sameeyay toddoba kulan oo Premier League ah.
Dhinaciisa Saliba ayaa daafaca Gunners saamayn wanaagsan ku yeeshay iyagoo kaliya toddoba gool qaabilay toddobadaas kulan halka isagu laba gool soo dhaliyay.

0 Comments