Subscribe Us

header ads

Faransiiska Oo Guul-darro Xanuun Badan Loo Xambaariyey, Van Dijk Oo Guul Ku Hoggaamiyey Netherlands, Croatia Oo Garaacday Austria Iyo Natiijooyinka Kulamadii UEFA Nations League Ee Caawa



Xulka qaranka Denmark ayaa guul-darro xanuun kulul u xambaariyey Faransiiska oo ay u dhaadhiciyeen heer ay isreeb-reeb usoo galaan marxaladda labaad ee tartanka UEFA Nations League, kaddib laba gool oo shan daqiiqadood gudahood ay ku dhaliyeen Dolberg iyo Olsen oo xulka tababare Didier Deschamps uu awoodi waayey in uu kasoo kabto.


Faransiiska oo ka mid ah waddamada loo saadaalinayo Koobka Adduunka ayaa soo bandhigay ciyaar aad u liidata, waxaana meel walba kaga awood badnayd Denmark oo khadkeeda dhexe ay hagayeen Christian Eriksen, Pierre Hojbjerg iyo Thomas Delaney.


Bilowgii ciyaartaba Denmark ayaa gacanta ku qabatay maamulka ciyaarta, waxaanay lumiyeen laba fursadood oo midkood madax ahaa oo ay difaaca Faransiisku awoodi waayeen in ay iska saaraan, ka hor intii aanu Kasper Schmeichel badbaadinin kubbad uu ku toogtay Kylian Mbappe.


Denmark

Daqiiqadihii 34aad iyo 39aad ayay Denmark laba gool oo daran-doorri ah u dhaliyeen Dolberg iyo Olsen, iyadoo midkooda hore uu ahaa kubbad dhinaca bidix uu kasoo dhigay oo Damsgaard oo uu Dolberg lugta geliyey, halka Olsen uu ku celiyey kubbad madax ay iskaga soo saareen difaaca Faransiisku.


Deschamps ayaa is-dhiibay markii labada gool laga dhaliyey, iyadoo laba beddel oo qaybta labaad uu soo raaciyeyna ay awoodi waayeen in ay wax kusoo kordhiyaan safkiisa.


Xulka martida loo ahaa ayaa u qalmayay in ay dhaliyaan goolal intan ka badan maadama ay labadii qaybood ba heleen fursado kale oo goolal noqon karayay oo ay iska khasaariyeen, halka Kylian Mbappe uu qaybtii labaad goolhaye Kasper Schmeichel ku beegay fursaddii ugu fiicnayd ee ay Faransiisku helaan.


Natiijada ciyaartan ayaa ka dhigan, in Denmark ay kaalinta labaad kaga jirto hormada League A: Group 1, waxaanay leeyihiin 12 dhibcood, iyaga oo hal dhibic ka dambeeya Croatia oo 13 dhibcood haysta, isla markaana 3-1 ku garaacay Austria.



Luka Modric ayaa goolasha u furay Croatia, waxaana qaybtii dambe laba gool oo kale raaicyey Livaja iyo Lovren, waxaanay sidaas kaalinta koowaad kaga soo gudbeen hormadan, halka Denmark ay kusoo baxday labaad, iyadoo Faransiiskuna uu soo geli doono isreeb-reeb aan qori-tuurkiisa wali la samaynin.


Dhinaca kale, xulka qaranka Netherlands ayaa guul cidhiidhi ah ka gaadhay Belgium, waxaana saddexda dhibcood u go’aamiyey Virgil van Dijk oo dhamaadka ciyaarta oo ay 17 daqiiqadood ka hadhsan tahay dalkiisa u dhaliyey goolka kaliya ee ciyaarta ka dhashay, waxaanay Netherlands sidaas ku yeelatay 16 dhibcood oo ay ka urursatay lix ciyaarood oo UEFA Nations League ah, waxaana labaad ku jirta Belgium oo haysta 10 dhibcood, halka Poland oo 1-0 kaga adkaatay Wales ay iyaguna yeesheen toddoba dhibcood oo ay ka mid noqonayaan dalalka isreeb-reebka soo geli doona ee aan tooska ugu soo bixin wareegga labaad.


Natiijooyinka kulamadii UEFA Nations League ee caawa oo dhamaystiran:


GROUP A1

Austria 1-3 Croatia

Denmark 2-0 France

GROUP C3

Azerbaijan 3-0 Kazakhstan 

Slovakia 1-1 Belarus

GROUP D1

Andorra 1-1 Latvia

Moldova 2-0 Liechtenstein

GROUP A4

Netherlands 1-0 Belgium

Wales 0-1 Poland

GROUP C1

Faroe Islands 2-1 Turkey

Luxembourg 1-0 Lithuania

Post a Comment

0 Comments