Subscribe Us

header ads

Buffon Oo Magacaabay SHANTA Goolhaye Ee Ugu Wanaagsan Waqtigan



Gigi Buffon waxa lagu tilmaamaa in uu yahay goolhayihii ugu wanaagsanaa ee soo maray garoomada kubadda cagta 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, iyadoo dhinaca kalena uu ku suntan yahay inuu meel sare ka gelayo kuwa ugu fiicnaa abid.

Iyadoo uu isku diyaarinayo inuu u dabbaal-dego sannad-guurada 44aad ee dhalashadiisa, waxa uu kusii jiraa garoomada isaga oo u ciyaaraya kooxdii uu kusoo barbaaray ee Parma oo uu dib ugu laabtay.

Ruug-caddaaga Talyaaniga ayaa toddobaadkan ka qayb-galay madasha Festival Dello Sport oo ka dhacday Trento oo uu abaabulay wargeyska La Gazzetta Dello Sport, waxaana lagu waydiiyey shanta goolhaye ee ugu wanaagsan adduunyada waqtigan oo uu markiiba magacyadooda lasoo booday.

Buffon oo sannadkii 2006 xulka Talyaaniga kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa sheegay, in xiddiga Real Madrid iyo Belgium ee Thibaut Coutois uu yahay goolhayaha ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaana uu soo raaciyey a far goolhaye oo kale oo ay ka  mid yihiin Gianluigi Donnarumma oo Paris Saint-Germain iyo xulka Talyaaniga u ciyaara, Mike Maignan oo AC Milan iyo Faransiiska u dheel.

Waxa kale oo uu liiska goolhayeyaasha ugu wanaagsan ku daray Manuel Neuer oo xulka qaranka Germany iyo Bayern Munich muddo dheer usoo ciyaaray, iyo goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak.

Ma Xalin Karaa Khadkooda Dhexe? Liverpool Oo Durba Dooratay Xiddiga Ay La Saxeexanayso Bedelk

Post a Comment

0 Comments