Subscribe Us

header ads

Brazil Oo Si Xun U Gumaadday Tunisia, Masar Oo U Xoog Sheegatay, Ivory Coast Oo Dhoolatus Samaysay Iyo Natiijooyinka Kulamadii Saaxiibtinimo Ee Maanta & Caawa




Xulka qaranka Brazil ayaa cashar u dhigay Tunisia oo ay ku garaaceen 5-1 kulan ka dhacay waddanka Faransiiska oo uu Raphinha kabsaday qalbiga tababare Tite ee ku mashquulsan xulashada xiddigaha uu la tegayo Koobka Adduunka ee Qatar.


Ciyaar xiise badnayd oo ay Brazil iyo Tunisia iskugu diyaarinayeen Koobka Adduunka oo ka dhacday garoonka PSG ee Parc des Princes ayaa waxay Brazil qaybtii horeba la timid afar gool oo uu laba ka mid ah dhaliyey Raphinha iyadoo Neymar na uu garoonka kooxdiisa ku dhaliyey rikoodhe, halka Richarlison uu noqday mid aan goolka seegin.


Daqiiqaddii 11aad ayaa kubbad uu Casemiro meel fog kasoo qaaday waxa madax ku dhaliyey Raphinha, hase yeeshee Tunisa ayaa iska soo beddelay goolkan oo uu toddoba daqiiqadood kaddib gool madi ah u saxeexay Montassar Talbi, balse hal daqiiqo oo kaliya ayay ku qaadatay Brazil in ay hoggaanka soo ceshato, waxaana u dhaliyey Richarlison oo ka daba baxay difaacyahannada Tunisia isla markaana goolhayaha darbad xooggan weydaariyey.


Advertisements


Brazil oo aad uga awood badnayd Tunisia ayaa inta badan ku ciyaaraysay qaybta kale ee garoonka, waxaanay helayeen fursado aad u badan oo ay goolal ku dhalin karayeen marka loo eego xulka Woqooyiga Afrika oo ku haftay difaacista xiddigaha Brazil.


Neymar ayaa goolka saddexaad ee Brazil oo rikoodhe ahaa dhaliyey daqiiqaddii 29aad, waxaana uu usii dhowaaday rikoodhka gool-dhalinta Pele oo uu hadda tallaabooyin u jiro, isla markaana uu Koobka Adduunka dhaafi karayo.


Dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Brazil keentay gool afraad oo uu saxeexay Raphinha oo garabka midig ee garoonka ka samaynayay weerar ay awoodi waayeen difaacyahannada Tunisia in ay joojiyaan.


Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ayuu Tite isbeddello ku sameeyey safkiisa si uu fursad u siiyo ciyaartoyda aan kulankii hore dheelin, waxaanay habeen farxadeed u noqotay Pedro oo shabaqa taabsiiyey goolka shanaad.


Dhinaca kale, xulka qaranka Masar ayaa 3-0 ku garaacay dalka colaadaha kasoo kabanaya ee Liberia, halka Ivory Coast ay dhoolatus ku samaysay Guinea oo ay 3-1 ku garaaceen.


Natiijooyinka kulamadii saaxiibtinimo ee maanta iyo caawa


Uzbekistan 1-2 Costa Rica


Brunei 1-0 Laos


South Korea 1-0 Cameroon


Nepal 3-1 Bangladesh


Japan 0-0 Ecuador


Vietnam 3-0 India


Indonesia 2-1 Curacao


Equatorial Guinea – 2-2 Togo


Senegal 1-1 Iran

Post a Comment

0 Comments