Subscribe Us

header ads

Alvaro Morata Oo Guul Ku Hoggaamiyey Spain Kulan Ay Xilli Dambe Ka Adkaadeen Portugal & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee UEFA Nations Leage

Xulka qaranka Spain ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay hormada League A: Group 2 ee UEFA Nations League, kaddib markii ay guul cidhiidhi ah oo waqti dambe ka gaadheen Portugal oo ay marti ugu ahaayeen garoonka Estadio Municipal de Braga ee magaalada Braga.


Cristiano Ronaldo ayaa qaybtii hore gool caddaan ahaa ka khasaariyey xulka Portugal halka goolhaye Unai Simon uu dedaal badan u sameeyey sidii uu u joojin lahaa darbad xooggan oo meel dhow uu kaga toogtay Diogo Jota, hase yeeshee Spain ayaa iyaduna heshay fursado qaybtii hore.


Alvaro Morata ayaa noqday xiddiga is-dhaafiyey labada xul ee Spain guusha ku hoggaamiyey iyadoo dhamaadka ciyaarta ay laba daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin.


Tababare Luis Enrique oo xulkiisu uu guul-darro xanuun badan kala soo kulmay Switzerland horraantii toddobaadkan ayaa beddello degdeg ahaa sameeyey waqtigii nasashada oo uu keenay Sergio Busquets kaddib markii ay Portugal kaga itaal-roonaatay khadka dhexe isla  markaana fursado badan oo ay ka faa’iidaysan waayeen ay iska lumiyeen Ronaldo, Fernandes iyo xiddigaha kale ee Portugal.


Spain ayaa yeelatay 11 dhibcood oo ay ka urursadeen lix ciyaarood oo UEFA Nations League ah, waxaanay kaalinta koowaad kaga soo baxeen hormadooda, halka Portugal ay haysato 10 dhibcood oo ay kaalinta labaad kusoo baxday iyadoo Switzerland na ay isreeb-reeb soo geli doonto.



Natiijooyinka kulamadii kale ee UEFA Nations League ee caawa



GROUP C2

Greece 3-1 Northern Ireland

Kosovo 5-1 Cyprus

GROUP A2

Portugal 0-1 Spain

Switzerland 2-1 Czech Republic

GROUP B1

Republic of Ireland 3-2 Armenia

Ukraine 0-0 Scotland

GROUP B2

Albania 1-1 Iceland

GROUP B4

Norway 0-2 Serbia

Sweden 1-1 Slovenia

Post a Comment

0 Comments