Real Madrid ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Real Sociedad kulan xiiso badan oo ay ku doonayaan inay ugu sii dhawaadaan ku guuleysiga horyaalka La Liga.
Real ayaa haatan shan dhibcood ka sarreysa kooxda booska labaad ee Sevilla oo xalay bar-bardhac kala kulantay kooxda alves taas oo ka dhigan inay si weyn u faa’idaysan karaan guul ay gaadhaan real socieded hoggaanka ku qaban karan sided dhibcod .
Laakiin Madrid ayaa dhinaca kale isha ku haysa kulanka ay Paris Saint-Germain usbuucan gudihiisa la ciyaarayso ee Champions League iyadoo tababare Carlo Ancelotti uu xiddigo dhawr ah nasiimo u diri karo haddii ay ka fursan weydo.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay inay kulankan kooxdiisa ka maqnaan doonaan labada khad dhexe ee kala ah Toni Kroos iyo Fede Valverde balse uu rajaynayo in labaduba ay soo laaban doonaan kahor kulanka PSG.
Ancelotti oo sidoo kale isha ku haya fursada ah inuu Sevilla ka fogaado ayaa boosaska khadka dhexe ee Valverde iyo Kroos baneeyeen kusoo bilaabi doona Eduardo Camavinga.
Casemiro oo kulanka PSG ganaax ku seegaya ayaa ciyaari doona kulankan wuxuuna isku dayi doonaa inuu yareeyo halista David Silva.
Si ka duwan Madrid, Sociedad ayay xiddigo dhawr ahi dhaawacyo ka qabaan waxaana ka maqnaan doona kulankan Ander Barrenextea, Adnan Januzaj, Aihen Munoz, Nacho Monreal, Diego Rico iyo Carlos Fernandez.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Casemiro, Camavinga; Asensio, Benzema, Vinicius
Real Sociedad (4-2-3-1): Remiro; Elustondo, Zubeldia, Le Normand, Gorosabel; Illarramendi, Merino; Portu, Silva, Oyarzabal; Isak
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Santaigo Bernabeu
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Jesus Gil
0 Comments