Inkastoo uu ku dhawaaday 27 sano oo xirfadle sare ah, Gianluigi Buffon ayaan wali wax qorshe ah uga fadhiisanayn ka dib markii uu heshiis cusub u saxiixay Parma kaas oo uu goolhayuhu sii wadan doono ilaa da’da 46-aad ee qaangaadhka ah.
Buffon ayaa dib ugu biiray kooxda ka ciyaarta Serie B ee Parma – kooxdii uu u saftay isagoo 17 jir ah bishii November 1995 – sannadkii hore, iyadoo kooxdu ay Isniintii ku dhawaaqday inuu saxiixay qandaraas ilaa 2024 ah.
"Waxay ii tahay maalin qurux badan aniga iyo qoyskayga oo dhan," Buffon ayaa ku sheegay shir jaraa'id Isniintii. “Waxa aan doonayay ayaa dhacay, waxaana filayaa in madaxweynaha iyo kooxda ay sidoo kale doonayeen, sida aan filayo taageerayaasha iyo magaalada ayaa doonayay.
"Ku soo laabashadeyda Parma waxaa shardi u ahaa xiriirka iyo xiriir qoto dheer oo aan waligey la lahaa dadka Parma iyo magaalada."
Buffon, oo ku guuleystay 10 horyaal oo Seri A ah, isla markaana ah gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka isagoo ciyaaray 657, ayaa ku dhawaaqay kordhintiisa mar uu la hadlayay madaxweynaha kooxda Kyle Krause.
“Isagu waa ciyaaryahan weyn, anagana waa mid ku faano,” Krause ayaa hadalkiisa raaciyay. “Khibraddiisa hoggaamineed waxa u dheer, sidoo kale waa qof leh xirfado aadaminimo oo aad u wanaagsan.
"Waan arki karnaa dareenka uu u qabo Parma maalin kasta, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay go'aankiisa."
0 Comments